Metro-ga Degmada King waxa uu u baahan yahay xubno cusub oo ku biira Gudida Sinaanta Socodka si loo xaqiijiyo in codadka aan caadiyan muuqan in la maqlo inta aanu wadno hawsha amaan ka dhigida nidaamka iyo sinaan badan.
Waxa aanu doonaynaa in xubnaha cusub ee Gudida Sinaantu ay shaqeeyaan mudada 2022-2023.
Gudida Sinaanta waxaa la sameeyay 2019 si loo wada sameeyo siyaasada qaabka shaqo iyo loo cusboonaysiiyo siyaasadaha Metro ee xarunta sinaanta iyo xasiloonida. 2022-2023, gudidu waxay diirada saari doonaan kala talinta Metro dhaqan gelinta siyaasada ku xeeran sinaanta iyo xasiloonida sida Metro
1) u maalgeliso gaadiidka shacabka iyo kaabayaasha la xidhiidha,
2) dhax gelinta ikhtiyaarada dhaqdhaqaaqa ee cusub, iyo
3) ka qayb gelinta bulshada go’aan gaadhida.
Maaha khasab inaad degan tahay Degmada King si aad uga mid noqoto Gudida Sinaanta. Waxa aanu doon doonaynaa xubno wakhtigan ku xidhan Degmada King hawlo dhaqan ahaan, shaqooyin ay ku qaataan mushar ama ayna ku qaadan, ku cibaadaysta, wax ku barta, adeegyo ka hela, iyo/ama xidhiidhka dib u tabobarid bulsho barakacday. Xubnuhu waa inay matalaan rakaab ku kala duwan oo Metro, khibrada ay usoo joogeen iyo/ama cida ay la xidhiidhaan, oo ay ku jiraan laakiin kuma koobna kuwa soo socda:
- Madaw, Dhalad iyo bulshooyinka kale ee midabka ah,
- Dhalinyar iyo arday,
- Dadka deegaanka ee dakhligoodu hooseeyo,
- Soo galayti iyo qaxooti,
- Bulshooyinka luuqadaha kala duwan,
- Shakhsiyaadka uu saameeyay nidaamka cadalaada danbiyadu,
- Xaafada barakacay iyo/ama kuwa ugu jira khatar badan inay barakacaan,
- Dadka bilaa guriga ah ama khatar ugu jira,
- Dadka laxaadka la’,
- Dadka jidh ahaan waawayn,
- Dadka waayeelka ah,
- Bulshada LGBTQ+
Metro waxa uu ku dhiiri geliyaa dhalinyarta inay qayb ka noqdaan Gudida Sinaanta. Tan waxaa loo sameeyay si loo xaqiijiy in wakiilada gudida la qiimeeyo iyo mudnaanta jiilka soo socda ee hogaamiyayaasha bulshada ah iyo fursado tusaale u noqosho mustaqbalka oo xubnaha kooxda ah.
Kulanka waxaa wakhtigan la qabtaa Arbacada sadexaad ee bil kasta, waxaana loo kala badalaa wakhtiyada duhurnimo (duhurnimo – 1:30 duhurnimo) iyo habeenimada (6 galabnimo- 7:30 habeenimo), laakiin waa la badali karaa iyada oo ku xidhan siday u haleeli karaan Gudidu ee ay doonayaan. Kulamada waxaa iminka lagu qabtaa maqal iyo muuqaal laakiin waxay ku noqon karaan foolka-fool marka ay amaan noqoto in sidaa la sameeyaayi.
Xubnaha gudida waxaa guno lagu siiyaa wakhtigooda oo ah $75/saacadii. Qaabilaad macquul ah ayaa loo ogol yahay si ay xubnuhu si buuxda uga qayb galaan oo waxaa la siiyaa sida turjubaada, in waraaqaha la turjubo, gaadiidka, daryeelka ilmaha, iwm.
Si aad u dalbato qabo: https://www.surveymonkey.com/r/TPZSKH7.
Foomamka arjigu waxay ku eeg yihiin Jimcaha, Janaayo 14, 2022 5:30 galabnimo. Hadii aad qabto su’aalo ku saabsan sida loo dalbado Gudida Sinaanta Dhaqdhaqaaqa Metro ama aad doonayso inaad dalbato qaabilaad macquul ah, fadlan iimeel ugu dir Laura Nagel Lnagel@kingcounty.gov.