Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan billoowno wajiga koowaad ee mashruuceena Lynnwood Link Connections, waxaana dooneynaa inaad kaqayb qaadato.

Metro waxa ay isu diyaarineysaa ballaarinta Sound Transit waqooyiga ilaa Shoreline iyo degmada Snohomish. Marka la gaaro sanadka 2025, Sound Transit Link light rail waxa ay furi doontaa shan boosteejo oo cusub oo isku xiraayo Northgate ilaa Lynnwood.

Lynnwood Link Connections waxa ay bixin doonaan adeegyada basaska oo casri ah kuwaas oo kabaayo boosteejooyinka cusub ee light rail. Sida ugu wanaagsan si loogu adeego bulshooyinka udhow, waxaan la xariireynaa dadka daggan Bothell, Kenmore, Lake Forest Park, Mountlake Terrace, North Seattle, iyo Shoreline si loo ogaado aragtidooda.

Qayb muhiim oo kamid ah qorsheynta fursadaha cusub ee gaadiidka waxa ay tahay hagaajinta isusocodka iyo helitaanka gaadiidka ee bulshooyinka taariikh ahaan la xaqiro.

Waa kuwan qaar kamid ah fursadaha waaweyn oo gacan looga geysanaayo qaabeynta mustaqbalka gaadiidka ee waqooyi galbeed ee King County iyadoo loo maraayo Lynnwood Link Connections:

  • Samee xog uruurinta kusaabsan baahiyahaada gaadiidka.
  • Soo codso si aad ugu biirto Mobility Board (fursad hogaamineed oo mushaar lagu bixinaayo) waxaadna kala talineysaa Metro ka qaybgalka bulshada iyo hababka ugu wanaagsan ee wax loogu soo kordhiyo shabakadeena gaadiidka.
  • Ka raadi Metro bulshadaada dhexdeeda ama isdiiwaangeli si aad uhesho ogeysiisyada mashruuca

Ma daneyneysaa kamid noqoshada Mobility Board? Waxaan raadineynaa dadka:

  • Kunool, kashaqeeyo, iyo/ama kudhex safro waqooyi galbeed ee King County.
  • Ah rakaabka gaadiidka ama ah rakaabka suurtagalka ah.
  • Keenaayo aragtida shakhsi ahaan (aan ahayn urur ahaan).
  • Daneynaayo isku soojiidashada isku xirka udhexeeyo sinnaanta jinsiyada midabka, arrimaha gaadiidka, iyo helitaanka fursadaha.

Xog dheeraad ah oo kusaabsan kordhinta Lynnwood Link waxaa laga heli karaa webseetka Sound Transit .

Waxaan dooneynaa in Mobility Board si siman u matasho kooxaha dadka kuwaas oo taariikh ahaan laga reebay wadahadalada go’aan gaarista la xiriira gaadiidka iyo kuwa ay si aan habbooneyn usaameysay go’aanadaan. Waxaan si xooggan ugu dhiiri gelineynaa dadka leh aqoonsiyada soo socdo kuna noolaa waayo aragnimadaas inay soo codsadaan: Dadka Madow, Dadka Asalka ah, iyo dadka aan Caddaanka ahayn; dadka soogalootiga iyo qaxootiga ah; dadka kuhadlo luuqad aan ahayn Af-Ingiriisi; dadka daggan kuwaas oo dakhligoodu hooseeyo ama aan dakhli lahaynba; iyo dadka naafada ah.

Waad ku mahadsan tahay! Waxaan rajeyneynaa inaan warkaada maqalno.

Su’aalo ma qabtaa? Ma dooneysaa in waraaqaha codsiga iimeel laguugu soo diro ama boostada? Kala xariir kooxda Lynnwood Link Connections halkaan haveasay@kingcounty.gov ama 206-263-1939.