Inta lagu jiro dhismaha Laynka RapidRide H, Metro waxay xasuusinaysaa dadwaynaha in ganacsiyada ku yaala daafaha marinka gaadiidku furnaan doonaan.
Xog ku saabsan Laynka Gurmadka ee RapidRide
Laga bilaabo 2022, Wadada RapidRide H, oo isku xiraysa Burien iyo White Center ilaa Downtown Seattle/South Lake Union siina maraysa Xaafada Delridge, ayaa kor u qaadaysa muddada safarku qaato, kalsoonida, iyo isku socodka basaska kale iyo Sound Transit’s Link light rail.
Xarumaha la hormariyay
Astaannada baska ee RapidRide waxay dadka rakaabka ah siinayaan kalsooni dheeraad ah, iyo qaab socdaal joogto ah oo la isku halayn karo. Casriyaynada waxaa ku jiri doona:
- Astaanno isku jira ku dhawaad saddexdii meeloodba maylkii si loo boobsiiyo mudada safarku qaato
- Xarumo cusub, qalabka akhriya kaararka ORCA, layn, xogta joogtada ah ee safarka, kuraas dheeraad ah, iyo in gaadiidka laga fuulo dhammaan albaabada
- Astaanno si fudud loogasoo geli karo basaska maxaliga ah iyo xarumaha dadku iskugu yimaadaan
Helitaanka iyo badqabka la kordhiyay
Isbadellada RapidRide ayaa fududayn doona kordhina doona badqabka in loo lugeeyo gaari curyaanna lagu galo baska. Hormarinnada waxaa kamid ah:
- Calaamadaha digniinta dadka gudbaaya iyo mardimada meesha wadada laga gooyo oo cusub
- Marinnada geeska wadada oo cusub, dayactirka marinka geeska wadada, iyo rakooyinka gaari curyaanka oo waafaqsan sharciga Americans with Disabilities Act (ADA, Xeerka Ameerikaanka Naafada ah)
Kor u qaadista xawaaraha iyo isku halaynta adeegga
Dadka rakaabka ah ayaa filan kara hoos u dhac ku yimaada waqtiga safarku tagaayo inta la wado isbadellada RapidRide. Hormarinnada adeegga dheeraadka ah waxaa kamid ah:
- Basas dhakhso u imaanaaya—15 kii daqiiqo oo kastaba maalinta oo dhan, maalin kasta iyo ugu yaraan 10 daqiiqo inta lagu jiro waqtiyada rakaabku badan yahay
- Adeeg dheeraad ah xiliga habaynkii iyo maalmaha fasaxa asbuuca
- Gelitaanka goobaha ganacsiga iyo lamaynta (BAT) ee loogu talagalay basaska iyo sidoo kale gaadiidka soo galaaya iyo kuwa ka baxaaya ganacsiyada
- Calaamadaha muhiimada ee baska
- Hormarinnada qaaska u ah astaanka
Wax su’aalo ah ma ka qabtaa dhismaha? Nalasoo Xariir!
Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga intaan wadno kor u qaadista gaadiidka deegaankaaga. Inaan ku siino xog joogto ah aana yarayno saamaynada ayaa ah muhiimadaheena koowaad.Dhammaan mudada dhismuhu socdo waxaan:
- Diyaar u nahay inaan ka jawaabno su’aalaha
- Aan bixino ogaysiis hore oo ku sabasan dhismaha aana kusoo dirayno xogaha cusub ee iimeelka, xaashiyaha wararka, iyo xayeysiinada kale
- Inaan joogtayno helitaanka ganacsiyada iyo deegaannada la dagan yahay
Kooxda Wacyi Gelinta Bulshada ee Metro
- Ku biir saacdaha kulanka xafiiskeena dhismaha ee oonleenka ah:
- Khamiista ugu danbaysa bil kasta laga bilaabo 5pm-6pm
- Si aad ugu biirto kulanka, raac lifaaqaan
- Si aad khadka taleefanka ugala socoto, wac 206-485-0071. Lambarka aqoonsiga Shirku waa 206 834 474#
- Ma u baahan tahay turjumaan? Si aad u codsato adeegyada turjumaada ee kulannadaan oonleenka ah, fadlan nalasoo xariir kahor intaan kulanku bilaaban adoo wacaaya taleefanka 206-257-3079 ama iimeel u diraaya rapidride@kingcounty.gov.
- Laynka wicitaanka ee Dhismaha: 206-257-3079
- Iimeelka: rapidride@kingcounty.gov
- Webseedka: http://www.kingcounty.gov/metro/hlineinfo
- Iska diiwaan geli fariimaha wadada RapidRide H ee iimeelka ama fariin qoraalka ahsi aad u hesho xogtii ugu danbaysay ee jadwalka dhismaha iyo saamaynadiisa.