|

Hadda shaqaale ayay qaadanaysaa! Guddiga Sinaanta ee King County Metro

Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda: English (Ingiriis) አማርኛ ( Amxaari) 简体中文 (Shiinees la fududeeyay) 繁體中文 (Shiinees dhaqameed) 한국어 (Kuuriya) Русский (Russian) Español ( Isbaanish) ትግርኛ ( Tigrinya) Українська (Ukrainian) Tiếng Việt (Vietnamese)

King County Metro waxay ubaahan tahay xubno cusub oo ku soo biira Mobility Equity Cabinet (Golaha Sinnaanta Isu-Socodka) si ay nooga caawiyaan qaabaynta siyaasadaheena gaadiidka, qorshayaasha iyo barnaamijyada. Waxaan qadarinaynaa afkaartaada iyo aragtiyadaada!

Xubnaha golaha waxay:

  • Faham qoto dheer ka heli doonaan Metro urur ahaan, siyaasadaha haga, adeegyada, hawlgallada iyo go’aan gaarista.
  • Dhisi doonaan oo adkayn doonaan xiriirada bulshooyinkooda, baran doonaan oo ay dadka la wadaagi doonaan wax ku saabsan taariikhda bulshadooda, baahiyaha iyo mudnaanaha ku aadan gaadiidka.
  • Qaabayn doonaan hindiseyaasha Metro iyo isbedellada siyaasadda iyagoo nagala shaqaynaya oo nagala talinaya hindiseyaasha muhiimka ah iyo isbedellada siyaasadda.

Waxaan raadinaynaa codsadeyaal ku nool, ka shaqeeya, ama si joogto ah u booqda King County, ama adeegsada adeegyada King County Metro.

Waxaan dhiirigalinaynaa codsiyada ka imaanaya:

  • Dadka Madow iyo kuwa Asalka ah iyo kuwa ka socda bulshooyinka kale ee aan cadaanka ahayn
  • Soogalootiga iyo qaxootiyaasha
  • Bulshooyinka ku hadla luuqadaha kaladuwan
  • Dadka naafada ah
  • Dadka danyarta ah
  • Dadka deegaanka ee dhammaan deegaannada King County ayna ku jiraan deegaannada miyiga ah
  • Dhalinyarada, dadka da’da ah, LGBTQIA+ iyo kuwa aan guryaha haysan

Xubnaha ayaa la siin doonaa lacag dhan $50 saacad kasta oo kamid ah wakhtiga ay ka qaybgalayaan kulannada, akhrinayaan xogta, xiriirka iyo fikir uruurinta bulshada ay wadaan, ama hawlaha kale ee la xiriira ee ka baxsan kulanka.

Metro waxay si wayn u dhiiri gelinaysaa in dhalinyarada iyo dadka da’yarta ah ay codsadaan! Xubnaha ka qaybgalaaya ayaa fursad siin doona si ay u kaashadaan ayna u tababaraan xubnaha cusub dhalinyarada ayaana lagu boorinayaa inay door firfircoon ka qaataan xaqiijinta natiijooyinka matalaaya mabaadii’da iyo muhiimadaha rakaabka gaadiidka ee jiilka soo socda.

Kulannada bilaha ah ayaa loo qaban doonaa qaab oonlayn ah fiidadka maalmaha wfasaxa asbuuca. Waxaa jiri doona ilaa labo kulan oo toos loo qabanaayo biloowga teeramka iyo hal ilaa laba kulan oo dheeraad ah oo toos loo qabanayo ama munaasabado sanad kasta. Kulannada ama munaasabadaha tooska ah ayaa la mudeyn karaa habaynada asbuuca ama maalmaha fasaxa asbuuca ayadoo ku xiran dookha kooxda.

Metro ayaa siin doonto caawimaado macquul ah ee loogu baahan yahay ka qaybgalka buuxa sida turjumaada inta lagu jiro kulannada, turjumaada xogta iyo qaababka kale. Metro ayaa raadin doonta xal u helida codsiga kale sida taageerada tignooloojiyada ama gunnooyinka daryeelka ilmaha si marxalad iyo markeeda ah.

Ma daneyneysaa? Ka eeg codsiga.

Fadlan iimeyl u dir community.relations@kingcounty.gov wixi su’aalo ah oo ku saabsan hannaanka codsiga.

Codsiyadu waxay ku eg yihiin Axada, Abriil 20 ugu dambayn 11:59 p.m.

Jawaab Celi