King County Metro waxay White Center ka samaysay marinada baasakiilada, meelaha wadada laga gooyo, layrar iyo marshabiyeediyo
Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
Afar qaybood oo ah marinada dadka iyo baasakiilada oo laga sameeyay White Center ayaa hadda furan, taasoo u sahlaysa ammaana u ah dadka ku safraya inta u dhexeysa xaafadda Greenbridge iyo xarunta RapidRide H Line.
Mashruuca badbaadada ee King County Metro wuxuu dhamaystiray tiro codsiyo ah oo ka yimid bulshada degen Southwest 100th Street:
- Marino cusub oo baasakiilada loogu tala galay iyo meelo wadada laga gooyo oo muuqda
- Jardiino cusub oo lagu soo daray iyo jardiino la casriyeeyay
- Calaamado muujinaya goynta wadada oo dheeraad ah
- Nidaam cusub oo meelaha wadada laga gooyo ku xiran oo iftiin bixinaya kaasoo kajira meelaha wadada laga gooyo ee White Center Pond Natural Area
- Nal cusub oo loogu tala galay dadka wadada goynaya
- Qayb cusub oo marshabiyeediyo ah
Horumaradaanu waxay xoojinayaan qorsha dheer ee “Metro Connects”, kaasoo ay ku jirto hagaajinta nabadgalyada marinada ee dadka soconaya, kuwa baasakiilka wata, iyo kuwa isticmaalaya gaari curyaanka. Meelaha magaalooyinka waaweyn ah, Metro Connects waxay ku baaqaysaa in 96% dadku inay ku gaaraan gaadiidka lugayn ama baaskiil midkood. Si loo gaaro hiigsigaan, xubnaha bulshadu waxay u baahan yihiin inay labadaba badbaadaan oo ay dareemaan ammaan marka ay u socdaan kana soo laabanayaan adeegga gaadiidka.
Waxaan ka mahadcelinaynaa dulqaadka bulshada iyo fahamkeeda intii ay socdeen dhismooyinka dhawaan la dhamaystiray. Fadlan ku booqo kooxda Metro Fourth Annual Taste of White Center 11 subaxnimo. ilaa 3 galabnimo. on Sabtida, Juun 28.

