Talooyinka ku saabsan ku safritaanka Metro Degmada King xiliga jiilaalka

Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda: English (Ingiriis) አማርኛ ( Amxaari) العربية ( Carabi) 简体中文 (Shiinees la fududeeyay) 繁體中文 (Shiinees dhaqameed) 한국어 (Kuuriya) Русский (Russian) Español ( Isbaanish) Tagalog ( Tagalog) Українська (Ukrainian) Tiếng Việt (Vietnamese)

Xiliga jiilaalka ah wuu soo galay iyada oo aaladaha Metro Degmada King ay kaa caawin doonaan inaad la socoto warbixinnada si aad si badqab leh ugu safarto.

Ogaw kahor inta aadan tagin

  • Booqo MetroWinter.com si aad u hesho talooyin ku saabsan safarka inta lagu jiro cimilada jiilaalka ee baska, gaadiidka dadweynaha Access, gaariyada wadooyinka waaweyn, Taksiga biyaha ee Degmada King ama adeegyada Metro Flex ee la heli karo marka loo baahdo. Waxaa jira sideed luuqadood oo loo turjumay websaytka oo ay ku jiraan Ingiriisi, oo lagu daray luuqado dheeraad ah iyada oo la adeegsanayo Google Translate.
  • Waa maxay wadada barafka? Haddii basaska aysan ku safri karin wadooyinkooda caadiga ah sababo la xiriira xaaladaha waddooyinka, waxaa laga yaabaa inay u wareegaan waddooyin kale oo loo yaqaan wadooyinka la maro xiliga barafka. Eeg wadooyinka la maro xiliga barafka ee dariiqyada baskaaga. Wargalinada waxaa lasoo dhigi doonaa.
  • Buug-yaraha barafka xiliga jilaalka ayaa laga heli karaa basaska iyo adeegyada kale ee gaadiidka, oo ay ku jiraan talooyinka safarka iyo macluumaadka waxtarka leh.
  • Ma rabtaa wargalinada ku saabsan isbadalada lagu sameeyay wadadaada baska? Isu-diwaangali si aad u hesho Digniinaha Gaadiidka dadweynaha ee wadooyinka iyo adeegyada aad ku tiirsan tahay oo lagu soo diraayo farrin qoraal ah ama iimayl. Horaan ma u rukumatay? Dib u eeg rukumaadaada oo samee cusboonaysiinta markaan ku darno wadooyin cusub guud ahaan Degmada King.
  • Wareegitaan ama isbadallo ku meel gaar ah oo lagu sameeyay jidkaaga baska? Kahor inta aadan safrin, ka eeg websaytkayaga la-talinta adeegyada si aad uga eegto in wadooyinka la badalay iyo in kale sababo la xiriira xiritaanka dhismaha iyo xaaladaha khatarta ah ee wadooyinka awgood.
  • Ku taxnaw kanaaladayada baraha bulshada ee X (@KingCountyMetro) iyo Facebook (@kcmetro) si aad u hesho macluumaadka guud, digniinaha iyo carqaladaynta safarka ee waaweyn.
  • La soco wargalinada xaaladaha wadooyinka ee goobaha aad joogto adiga oo ku taxnaanaya kanaalada baraha bulshada ee magaaladaada, degmadaada iyo gobolkaaga.
  • Xaaladaha cimiladu aad u daran tahay, safar kaliya haddii loo baahdo.
  • Metro waxay sii wadaa aruurinta qiimaha baabuur-raaca inta lagu jiro cimilada xun. Si kastaba ha ahaatee, hawl-wadeenadayadu waligood kama dhigi doonaan kharashka mid caqabad ku ah dadka ku safraya xaaladaha daran, sida aaditaanka xarumaha kulaylinta inta lagu jiro qabowga ama xarumaha qaboojinta inta lagu jiro mowjadaha kulaylka xagaaga.

Wargalinada islamarkaaba ah

Hel wargalinada islamarkaaba ah ee ku saabsan hadii safarkaagu shaqaynayo, marka ay tahay inaad baxdo ama haddii la joojiyay.

  • Fariin ugu dir goobta joogsiga baskaaga 62550 si aad u hesho liistada safarada baska ee ku soo socda halkaas. Safar kastaa wuxuu muujin doonaa qiyaasta wakhtiga imaatinka, “s” u taagan “scheduled (la qorsheeyay)”, ama “canceled (la baajiyay).” Horey ugu kaydi 62550 talefoonkaaga si aad u xasuusato. Lambarka sidoo kale waxaa lagu dhejiyaa boostaajooyinka baska.
  • Macluumaadka bixitaanka xiga ayaa sidoo kale laga heli karaa qalabka ee Metro ee ku yaala dhinaca midig ee sare ee bogga.

U safar si badqab iyo raaxo leh

Basaska marka laga yimaado, cimilada jiilaalku waxay daahin kartaa ama joojin kartaa adeega gaadiidka dadweynaha ee hababka kale. Fadlan markale hubi kahor intaadan safrin. Taksiga biyaha, Metro Flex iyo Gaadiidka dadweynaha Access waxay soo dhigaan macluumaadka websaytyadooda. Rakaabka Access waxay ka wici karaan Xarunta Wicitaanka Gaadiidka ee Access lambarka (206) 205-5000.

U safar si badqab iyo raaxo leh

  • Marka barafku buuxiyo jidadka, fadlan ku sug baskaada boostajooyinka baska ee wadooyinka fidsan iyo xagga sare ama gunta buurta, ama halka wadoyinka laga saaro barafka mar walba.
  • Xusuusnow, qoraxdu mar hore ayay dhacaysaa, taas oo ka dhigaysa araga mid caqabad ku ah dadka. Isticmaalka tooshka ama telefoonka waa hab fiican oo lagu tusiyo darawalka inaad joogto boostaajada baska.
  • Xaaladaha daran waxay dib u dhigi karaan adeega, marka u diyaargarow! Soo xiro dhar iyo kabo ku habboon cimilada markaad sugayso safarkaaga.

Jawaab Celi