Isbadalada gaadiidka dadweynaha ayaa ku imaanaya Koonfurta Degmada King: Metro waxay rabtaa ra’yi celintaada ku saabsan hormarinada wadada la soo jeediyay
Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
Maadaama oo tareenka fudud ee Link la gaarsiinayo koonfurta marka la gaaro 2026, Mashruuca isu-codka ee South Link Connections ee Metro ee Degmada King wuxuu sii wadaa inuu ka shaqeeyo horumarinta gaadiidka dadweynaha ee Koonfurta Degmada King.
Anaga oo ka jawaabayna waxa aan ka ogaanay xubnaha bulshada iyo iskaashatadeena Algona, Auburn, Burien, Des Moines, Federal Way, Kent, Normandy Park, Pacific, SeaTac, Tukwila iyo qeybaha aan ka tirsanayn Degmada King, Metro waxay ku faraxsan tahay inay la wadaagto soo jeedinta shabakada gaadiidka dadweynaha oo la cusboonaysiiyay.
Waxaan kugu martiqaadeynaa inaad wax badan ka ogaato oo aan nagu ogaysiino waxaad ka qabto isbadaladan la soo jeediyay annagoo qaadanayna sahankayaga ugu dambayn Agosto 31.
Laga soo bilaabo gu’gii 2024, Metro waxa ay la xiriirtay bulshooyinka iyaga oo waydiinaya talada isbeddelada ku imanaya nidaamka isu-socodka ay ku tiirsan yihiin. Waxaad wax badan ka ogaan kartaa dadaaladayada ka qaybgalinta ee wejiga 1 iyo Soo Koobitaanka Ka Qeybgalinta Wajiga 2.
Jawaab celinta ka timid ka qaybgalinta Wajiga 1 ayaa qaabeeyay mudnaanta Metro ee isbadalada la soo jeediyay ee shabakada gaadiidka dadweynaha, oo ay ku jiraan:
- Baahinta gaadiidka dadweyna ee guud
- Adeega subaxdii iyo habeenkii oo la hormariyo
- Wakhtiyada safarka ee ugu dhakhsaha badan gudaha iyo ka baxsan goobta mashruuca
- Isku xirka gaadiidka bari iyo galbeed oo la hormariyay
- Adeega maalmaha fasaxa oo la kordhiyo, gaar ahaan Sabtiyada
Soo jeedinta la cusboonaysiiyay ee shabakada gaadiidka dadweynaha ee Koonfurta Degmada King waxay hada diyaar u tahay dib u eegis iyo fikrado dadweyne. Cusboonaysiinta waxaa kamid ah:
- Isku xiritaano cusub ee gaadiidka dadwynaha: Ku darista isku xiritaano cusub ee mustaqbalka ee isku xiritaan tareenka fudud ee Link.
- Adeeyada maalintii oo dhan: Maalgalinta jidadka baska ee shaqeeya maalinta oo dhan, maalin kasta, oo leh safarada maalmaha shaqada iyo maalmaha dhamaadka todobaadka.
- Adeegyada maalmaha dhamaadka todobaadka ee cusub oo la hormariyay: Adeeg cusub ee maalmaha Sabtida iyo Axadaha gudaha Burien, adeeg cusub maalmaha Axadaha inta u dhaxaysa Kent iyo Federal Way iyo adeeegyo badan oo joogto ah ee maalmaha damaadka todobaadka ee inta u dhaxaysa Kent Des Moines Station, Kent Station, Kent East Hill iyo Green River College.
- Adeega bariga iyo galbeedka oo la hormariyay: Hormarinta wadooyinka muhiimka ah ee aagga oo dhan, oo ay ku jirto isku xirka adeega Highline College, Kent Station iyo Green River College oo ay weheliyaan adeegyada inta u dhaxaysa Twin Lakes Park & Ride, Federal Way Downtown Station iyo Auburn Station.
- Adeegyada la heli karo marka loo baahdo: Daahfurka adeegyada cusub ee Metro Flex ee tijaabada ah ee Federal Way iyo Auburn si loogu xiro dad badan gaadiidka dadweynaha.
- Adeegyo dhakhso badan: Cusboonaysiinta wadooyinka baska ee u dhexeeya West Federal Way iyo Downtown Federal Way si xiriiradan looga dhigo mid dhakhso badan, toos ah oo sahlan si loo kala gudbo.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isbadalada la soo jeediyay ayaa laga heli karaa websaytka Metro’s South Link Connections. Waxaa sidoo kale oo aad la socon kartaa taariikhda adiga oo is-diiwaangeliya si aad u hesho digniinaha.
Waxaan rabnaa inaan ogaano FIKRADAADA!
Markaan diyaarinayno talaabooyinka xiga ee hagaajinta isku-xirka gaadiidka ee Koonfurta Degmada King, talooyinka dadwaynaha waa lagama maarmaan. Waxaan u isticmaali doonaa ra’yi celintaada ku saabsan isbadaladan suurtagalka ah si aan u abuurno soo jeedinta adeega gaadiidka dadweynaha ugu dambeysa.
Halkan waxaa ku qoran dhowr hab oo aad nagula wadaagi karto ra’yi celintaada:
Samee sahanka ugu dambayn Agosto 31.
Nagu soo biir mid ka mid ah Kulamadeena Macluumaad ahaaneed ee Khadka Fogaan Araga ah ee soo socda:
- Arbaco, Agosto 6 12:00 duhurnimo Halkan iska diwaangeli.
- · Arbaco, Agosto 20 6:00 galabnimo Halkan iska diwaangeli.
Naga hel munaasabadaha deegaanka ama boostaajooyinka baska hadda ilaa Agosto.
Su’aalaha? Kala xiriir kooxda South Link Connections barta HaveASay@kingcounty.gov.
