King County Metro waxay soo jeedinaysaa in horumarin dhanka ammaanka iyo iskuhalaynta ah lagu sameeyo wadooyinka 21 iyo 50
Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
King County Metro waxay kala shaqaynaysaa Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle) sidii loo samayn lahaa horumarinta astaanada basaska ee xaafadaha Seattle ee kala duwan. Metro waxay tilmaantay in adeegga baska ee waddooyinka 21 iyo 50 ay noqon karaan kuwo la isku halayn karo ammaana ah ayada oo la hagaajinayo saddex goobood oo ku yaala First Avenue South ee aagga SODO.
Marka la eego macluumaadka iyo jawaab celinta dadka gaadiidka ku shaqeeya ka timid, basasku waxay wajahaan caqabado dhanka nabadgalyada ah iyo dib u dhacyo xiliyada safarka ah marka ay dib ugu soo laabanayaan wadada ee ay ka imaanayaan astaanada basaska ee u dhow wadooyinka South Lander iyo Hanford. Xagaagaan laga bilaabo Luulyo 11 ilaa Ogoosto 8, Metro waxay ganacsiyada ka agdhow iyo mulkiilayaasha dhismeyaasha la socodsiinaysaa naqshada aragtida horumarinaya ama meel kale u wareejinaya xarumaha basaska, horumarinaya iftiinka, sidoo kalena balaarinaya marshabiyeediyada kuwaas oo basaska u oggolaanaya inay wadada kujiraan marka rakaabku raacayaan iyo marka ay ka degeyaanba. Inta xiligaan lagu jiro Metro waxay doonaysaa inay hesho jawaabcelinta, su’aalaha, ama tabashooyinka ku saabsan aragtida naqshadda ee lasoo jeediyay.
Metro iyo SDOT waxay iskala shaqayn doonaan naqshadda iyo wajiyada dhismaha goob kasta oo mashruuca lagu soo bandhigo. Marka hore, waxaa la qorsheeyay shaqada naqshadda iyo kala warqaadashada 2025, dhismaha oo 2026 ah iyo dhammaystirka mashruuca oo 2027.

Hormarinnada aragtida naqshadda
First Avenue South iyo South Lander Street
- Geesaha la maro dhinaca galbeed ee First Avenue South ayaa la balaarin doonaa si basaska loogu saamaxo inay laynka wadada kujiraan marka rakaabku raacayo iyo markuu ka degeyo baska.
- Astaanka baska waxaa loo rari doonaa meelaha wadada laga gooyo meel u dhow.
- Xarumaha hadda jira waxaa lagu badali doonaa xarumo cusub.
- SDOT waxaa laga yaabaa inay samayso baarkino iyo/ama meelo wax lagu dajiyo oo wakhti cayiman leh oo dheeraad ah.

First Avenue South iyo South Hanford Street
- Geesaha wadada ee la maro ee labada dhinac ee First Avenue South ayaa la balaarin doonaa si basaska loogu saamaxo inay laynka wadada kujiraan marka rakaabku raacayo iyo markuu ka degeyo baska. Laynka bidix wuxuu u furnaan doonaa gawaarida kale si ay u dhaafaan baska astaanka taagan.
- SDOT waxaa laga yaabaa inay samayso baarkino iyo meelo wax lagu dajiyo oo wakhti cayiman leh oo dheeraad ah.
- Geesha wadada ee la maro ee dhinaca bari ee First Avenue South ee u dhow aagga baska meesha waa laga saari doonaa waxayna qayb ka noqonaysaa marshabiyeediga la balaarinayo.
- Aagga rakaabka lagu dajinayo ee dhinaca galbeed ee First Avenue South waqooyiga South Hanford Street ee u dhow astaanka baska meesha ayaa laga saarayaa.

Nalasoo Xariir
Wixii su’aalo ah ama jawaabcelin ah oo mashruuca ku saabsan, fadlan nagala soo xiriir community.relations@kingcounty.gov ama 206-263-9768.
