Metro waxay daraasad ku samaynaysaa hagaajinta Route 60

Sawirka baska Route 60 Metro oo taagan meesha baska uu istaago iyadoo ay gadaal ka muuqdaan wajahadaha dukaamada

Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda: English (Ingiriis) አማርኛ ( Amxaari) 简体中文 (Shiinees la fududeeyay) Español ( Isbaanish) Tiếng Việt (Vietnamese)

King County Metro, ayadoo kaashanaysa Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle), waxay daraasad ku samaynaysaa qaabka loo hormarin karo waqtiyada safarka iyo iskuhalaynta adeegga baska Route 60. Safarka wadadan wuxuu shaqeeyaa maalin walba laga bilaabo 4 subaxnimo ilaa 1 habeenimo, wuxuuna leeyahay basas soo mara 10 ilaa 12 daqiiqo kasta inta u dhexeysa 7:00 subaxnimo ilaa 6:00 fiidnimo maalmaha shaqada.Shabakadaan waqooyiga-koonfurta ah waxay dadka ka imaanaya Westwood Village ku xiraysaa Capitol Hill ayagoo soo maraya xaafadaha White Center, South Park, Georgetown, Beacon Hill, the International District, iyo First Hill, ayadoo dad badan oo halkaas degen ay ugu tiirsan yihiin safarada dhinacyada shaqada, waxbarashada, iyo adeegyada lagamamaarmaanka ah.

Ku dhowaad 70% dhammaan basaska Route 60 waxay yimaadaan waqtigooda, taasoo ka hooseysa bartilmaameedka Metro ee ah in ugu yaraan 80% ay ku yimaadaan.Ayadoo caqabadaani jirto, haddana Route 60 wuxuu qaabilaa 6,200 oo safar todobaadkii, taasoo marinka ka dhigaysa mid u diyaarsan maalgalin si wax looga qabto dib u dhacyada iyo xiliyada safarka ee aan joogtada ahayn.

Route 60 wuxuu sidoo kale bulshadeena u yahay mid ku qeexan Mobility Framework (Hanaankeena Gaadiidka) oo ah “meelaha ay kajirto baahida aan la daboolin,” oo ay ku jiraan goobaha ay ku badanyihiin dadka aan dakhligu soo galin ama uu ku yaryahay, bulshooyinka aan cadaanka ahayn, dadka naafada ah iyo bulshooyinka luuqadaha kala duwan ku hadla, iyo qaar kaloo kamid ah bulshooyinka lasoo gacan-bidixayn jiray.

Khariirada mashruucu waxay muujinaysaa dhamaanba afarta goobaha qaybaha ee aagga daraasadda lagu samaynayo ee Route 60.
Khariiradda Mashruuca ee Route 60

 

Daraasadda Route 60 waxaa la rabaa in lagu ogaado maalgashi kaasoo:

  • Yaraynaya waqtiga safarka baska ilaa 10-15% inta lagu jiro xiliyada safarka ee mashquulka badan jiro.
  • Bixinaya adeegyo la isku halayn karo oo basas fara badan ku imaanayaan waqtigii loogu talagalay.
  • Hagaajinaya qaybaha kale ee safarka iskuxira ee aagaas kajira.
  • Hagaajinaya xaaladaha dadka hadda ku safra soona jiidanaya dad cusub oo ku safra Route 60.

Goobaha laga samaynayo Daraasadda Hagaajinta Route 60

Goobaha daraasadda laga samaynayo waxaa kamid ah qaybaha ku teedsan wadada hadda jirta ee la darsayo si ay gacan uga gaysato sare u qaadista waqtiga safarka iyo isku-halaynta baska:

  • Qaybta 1: Broadway East & Mercer Street oo tagaysa 12th Avenue South & South Weller Street (First Hill, Capitol Hill International District)
  • Qaybta 2: Beacon Avenue South & South Lander Street oo tagaysa Stanley Avenue South & South Albro Place (North Beacon Hill)
  • Qaybta 3: 16th Avenue South & Swift Avenue South oo tagaysa East Marginal Way & 16th Avenue South (Georgetown)
  • Qaybta 4: East Marginal Way & 16th Avenue South ilaa Westwood Village (South Park, Westwood-Highland Park)

Hagaajinta suurtagalka ah: waxa ay yihiin iyo sababta ay muhiimka u yihiin

Metro waxay calaamadaysay hagaajinta wadooyinka ee suurtagalka ah taasoo keenaysa adeegyada basaska oo noqda kuwo degdeg ah, oo ay iskuhalayn karaan kumanaan musaafiriin ah maalin walba.Hoos waxaad ka helaysaa tusaalooyinka noocyada horumarinta ee laga fakarayo si loo hagaajiyo adeegyada basaska ay dadku hadda ku safraan iyo bulshadeena sii kobcaysa. Marka laga tago horumarinada hoos ku qoran, Metro waxay daraasada ka samayn doontaa mudnaanta ishaarada gaadiidka muhiimka ah ee marinka oo dhan.

Qaybta 1: Broadway East & Mercer Street oo tagaysa 12th Avenue South & South Weller Street (First Hill, Capitol Hill International District)

East Mercer Street oo tagaysa wadada South Weller Street oo ay ku jiraan qaybo kamid ah First Hill, Capitol Hill, iyo xaafadaha International District.Wadadu waxay u shaqaysaa xaafado badan, oo ay kujiraan astaanka Capitol Hill Link light rail, Swedish Hospital, iyo Harborview Medical Center.

Hagaajinta suurtagalka ah ee qaybta lagu samayn karo waxaa kamid ah:

  • Isu keenista astaanka basaska ee ku yaala Ninth Avenue. In meesha laga saaro astaanada basaska ee aadka isugu dhow lana hagaajiyo goobaha basku istaago waxay sare u qaadaysaa iskuhalaynta waxayna dhaqaalaynaysaa waqtiga safarka ku baxa.
  • Dib u hagista basaska waqooyiga u socda ee ka baxa Broadway iyo Fir Street ee taga Yesler Way iyo Eighth Avenue. Basaska ku safra Fir Street waxay hadda wajahaan dib u dhacyo ay sabab u tahay cariiriga balaca wadada iyo shaqooyinka rarista.
  • Dhisidda jardiinada basaska (marshabiyeediyo laga sameeyo astaanada muhiimka ah ee basasku caqabadaha ka wajahayaan ee iska horkeenaya gawaarida baxaysa iyo kuwa soo galaysa), oo ay kujiraan Capitol Hill Station iyo Harborview. In baska loo oggolaado inuu kusii jiro wadada asagoo ka shaqaynaya astaanku waxay yaraynaysaa waqtiga ku lumaya gawaarida tagaysa iyo kuwa imaanaysa, waxay sare u qaadaysaa adeegsiga dadka safraya, waxayna sare u qaadi kartaa ammaanka dadka ku safraya baasakiilada iyo kuwa lugaynaya.
  • Hagaajinta isgoysyada waxaa kamid ah isbadalada ka dhaca shaqooyinka tilmaamaha iyo diyaarinta wadada meelaha basasku ka wajahaan dib u dhacyada. Muhiimad siinta iskusocodka gaadiidku waxay yaraynaysaa cadadka waqtiga basasku ku bixiyaan samaanfareyaasha waxayna sare u qaadi karaan waqtiyada safarka.
  • Wadada Business Access and Transit (BAT, Adeegsiga Ganacsiga iyo Gaadiidka) iyo ka wareegashada safka ee basaska ku socda waqooyiga ee ku safraya 12th Avenue ee tagaya Boren Avenue. Wadada gaadiidka iyo tilmaamaha loogu talagalay waxay sare u qaadi karaan iskuhalaynta waxayna wax ka qabanayaan goobaha keena dib u dhacyada waaweyn inta lagu jiro xiliyada safaradu ugu badanyihiin.

Khariirada hoose waxay muujinaysaa goobaha iyo noocyada lagu samayn doono hagaajinta qaybtaan.

Khariiradda qaybta 1aad ee Route 60 waxay muujinaysaa meesha horumarinada gaadiidka ee suurtagalka ah in laga sameeyo ee Capitol Hill, First Hill, iyo Chinatown-International District.
Khariiradda qaybta 1aad – Meelo qaarkood, wax ka badan hal horumarin suurtagal ah ayaa la tixgelinayaa

Qaybta 2: Beacon Avenue South & South Lander Street oo tagaysa Stanley Avenue South & South Albro Place (North Beacon Hill)

Qaybta u dhexeysa South Lander Street iyo South Albro Place waxay ka koobantahay qayb ka mid ah xaafadda North Beacon Hill.Wadadu waxay u shaqaysaa xaafado badan, oo ay kujiraan Beacon Hill Link light rail Station, Jefferson Park, iyo Grover Cleveland STEM High School.Daraasaddan kuma jiro marinka Route 60 ee ka bilaabanaya Beacon Avenue iyo McClellan Street ilaa 12th Avenue iyo Jackson Street, maadaama goobtaan dhawaantaan lagu sameeyay qiimayn qayb ka ah Route 36 Corridor Study (Daraasadda Wadada). SDOT waxay soo gabagabaynaysaa mashruuc wax ka qabanaya baahiyaha isku socodka safarada ee daraasadda lagu cadeeyay.

Hagaajinta suurtagalka ah ee qaybta lagu samayn karo waxaa kamid ah:

  • In meesha laga saarayo laba meel oo baska istaago oo ku yaala 15th Avenue South iyo S Stevens Street ama 15th Avenue South iyo South Hanford Street. Sidoo kale, in meesha laga raro meesha baska uu istaago ee koonfurta aadaya ee ku yaala 15th Avenue South iyo South Orcas Street iyadoo koonfurta loo sii rarayo. Kala fogaynta meelaha baska uu istaago ee ku yaala goobahaan waxay hagaajinaysaa wakhtiga safarka waxayna keenaysaa hagaajinta masaafada ay isu jiraan meelaha basaska ay istaagaan iyadoo lagu salaynayo talooyinka Tilmaamaha Meelaha Basaska ay istaagaan ee Metro.
  • Hagaajinta isgoysyada si muuhimada loo siiyo hagaajinta safarka oo ay kamid yihiin isbadalada samaanfareyaasha iyo diyaarinta marinada cusub. Muhiimad siinta iskusocodka gaadiidku waxay yaraynaysaa cadadka waqtiga basasku ku bixiyaan samaanfareyaasha waxayna sare u qaadi karaan waqtiyada safarka.
  • Bus priority lanes at the following locations:
    • Galbeedka uga baxaya South McClellan Street iyo Beacon Avenue
    • Waqooyiga uga baxaya 15th Avenue South iyo South Columbian Way
    • Northbound at 15th Avenue and Spokane Street
      • Marinada wadooyninka loogu talagalay si gaar ah (ama marka koowaad) inay basasku isticmaalaan waxay sare u qaadaan waqtiyada safarka maadaama basasku ka fogaanayaan dib u dhacyada gaadiidka ee wadooyinka ku xeeran.
  • Marinka baasakiilada oo kor loo qaaday ee Swift Avenue ayadoo la gaarsiinayo heerka marshabiyeediga ee wadada waqooyiga ka aadaysa astaanka basaska ee 16th Avenue South. Isbadaladu waxay baska u saamaxayaan inuu astaanka uga shaqaysto si wanaagsan ayadoo la yaraynayo iskudhacyada ka dhex dhalan kara dadka baasakiilada wata iyo basaska.

Khariirada hoose waxay muujinaysaa goobaha iyo noocyada lagu samayn doono hagaajinta qaybtaan.

Khariiradda qaybta 2aad ee Route 60 waxay muujinaysaa meesha horumarinada gaadiidka ee suurtagalka ah in laga sameeyo ee North Beacon Hill.
Khariiradda qaybta 2aad – Meelo qaarkood, wax ka badan hal horumarin suurtagal ah ayaa la tixgelinayaa

Qaybta 3: 16th Avenue South & Swift Avenue South oo tagaysa East Marginal Way & 16th Avenue South (Georgetown)

Swift Avenue South oo tagaysa 16th Avenue South qaybta waxaa kujira qaybo kamid ah xaafadda Georgetown. Wadadu waxay u adeegtaa xaafado badan, oo ay kujiraan South Seattle College (Georgetown Campus), Georgetown Tiny House Village, iyo xafiisyada Boeing.

Hagaajinta suurtagalka ah ee qaybta lagu samayn karo waxaa kamid ah:

  • Isbadal yar oo lagu samaynayo wadada basaska oo tagaysa galbeedka si loo mariyo Albro Place uguna noqoto astaan cusub oo ku yaala Albro Place iyo 13th Avenue South badalkii ay u adeegi lahayd astaanka koonfurta ee ku yaala 13th Avenue South iyo Bailey Street. Isbadalkaanu wuxuu dardar-gelin doonaa wadada asagoo yaraynaya tirada tookooyinka uu shaqaynayo.
  • Bus priority lanes at the following locations:
    • U baxaysa bariga Albro Place una socota I-5
    • U baxaysa bariga Bailey Street una socota Carleton Avenue
    • U baxaysa koonfurta Ellis Avenue una socota Marginal Way.
    • U baxaysa koonfurta Marginal Way una socota 14th Avenue South,
    • U baxaysa waqooyiga 16th Avenue una socota Marginal Way.
  • Marinada wadooyninka loogu talagalay si gaar ah (ama marka koowaad) inay basasku isticmaalaan waxay sare u qaadaan waqtiyada safarka maadaama basasku ka fogaanayaan dib u dhacyada gaadiidka ee wadooyinka ku xeeran.
  • Xirista astaanada basaska bariga tagaya ee ka baxaya Albro Place iyo Stanley Avenue South. Astaankaanu wuxuu leeyahay safaro hooseeya wuxuuna in ka yar 600 oo talaabo u jiraa astaanka ka horeeya ee ku yaala 13th Avenue South iyo South Bailey Street.

Khariirada hoose waxay muujinaysaa goobaha iyo noocyada lagu samayn doono hagaajinta qaybtaan.

Khariiradda qaybta 3aad ee Route 60 waxay muujinaysaa meesha horumarinada gaadiidka ee suurtagalka ah in laga sameeyo ee Georgetown.
Khariiradda qaybta 3aad – Meelo qaarkood, wax ka badan hal horumarin suurtagal ah ayaa la tixgelinayaa

Qaybta 4: East Marginal Way & 16th Avenue South oo tagaysa Westwood Village (South Park, Westwood-Highland Park).

Qaybta East Marginal Way oo tagaysa Westwood Village waxaa kujira qaybo kamid ah Xaafadaha South Park iyo Westwood-Highland Park. Wadadu waa hanti xaafado badan ka dhexaysa sida Olson/Myers Park iyo Ride iyo Westwood Village.

Hagaajinta suurtagalka ah ee qaybta lagu samayn karo waxaa kamid ah:

  • Wado cusub oo bas oo muhiim ah taasoo ku taala Cloverdale Street waxayna tagaysaa 14th Avenue South. Wadadaanu waxay basaska ka caawinaysaa inay dul maraan safafka gaadiidka ee dhaadheer saacadaha mashquulka ah ee xiliga subaxdii iyo galbihii.
  • Hagaajinta isgoysyada ka agdhow Olson Place iyo Myers Way Park iyo Ride si loo yareeyo waqtiga safarka sarena loogu qaado iskuhalaynta basaka.
  • Xirista astaanada basaska bariga tagaya ee ka baxaya Barton Place iyo 22nd Avenue Southwest. In astaankaan meesha laga saaro waxay gacan ka gaysanaysaa sare u qaadista waqtiga safarka waxayna keenaysaa in astaanada la isu jirsiiyo masaafo wanaagsan taasoo waafaqsan tilmaamaha Metro ku talisay.

Khariirada hoose waxay muujinaysaa goobaha iyo noocyada lagu samayn doono hagaajinta qaybtaan.

Khariiradda qaybta 4aad ee Route 60 waxay muujinaysaa meesha horumarinada gaadiidka ee suurtagalka ah in laga sameeyo ee South Park iyo Westwood-Highland Park.
Khariiradda qaybta 4aad – Meelo qaarkood, wax ka badan hal horumarin suurtagal ah ayaa la tixgelinayaa

Waxaan rabnaa inaan kaa maqalno!


Samee xog ururinteena Febraayo 20, 2026 si aad ula wadaagto aragtiaada kooxdeena gacanta ku haysa horumarinada lasoo jeediyay.

Metro waxaay dooneysaa in ay wax ka ogaato:

  • Qaabkee hadda u isticmaashaa Route 60?
  • Waa maxay tabashooyinka aad ka qabto Route 60?
  • Waa maxay isbadalada aad ugu jeceshahay inaad ku aragto Route 60?

Xili qaboobahaan, laga bilaabo Janaayo 16 ilaa Febaraayo 20, 2026, Metro waxay la howlgali doontaa dadka baska raaca, ganacsatada, iyo xubnaha bulshada si ay uga hesho aragti ka caawinaysa naqshadeynta fikradda la soo jeediyay ee ah horumarinada Route 60. Metro waxaa ka go’an inay bulshada ka qaybgaliso daraasadaan si loo hubiyo in baahiyahooda iyo aragtidoodu gacan ka gaystaan xogsiinta go’aanada naqshadeynta ee mustaqbalka.

Talaabooyinka xiga

Mashruucu hadda wuxuu marayaa marxaladda qorshaynta. Inta lagu jiro muddadaan, kooxda daraasaddu waxay la howlgali doonaan dadka raaca basaska, ururada maxaliga ah, ganacsatada, xubnaha bulshada, iyo kooxaha kale ee muhiimka ah si ay uga helaan fikrado ku saabsan horumarinada lasoo jeediyay. Metro waxay sii wadi doontaa inay la shaqeyso bulshada maadaama mashruucu kusii dhawaanayo naqshadeynta iyo dhismaha ugu dambeeya.Metro iyo SDOT waxay iska kaashan doonaan naqshadaynta iyo fulinta talooyinka si loo horumariyo xawaaraha iyo iskuhalaynta.

Nalasoo Xariir

Wixii su’aalo ah ama aragti ah oo mashruuca ku saabsan, fadlan nagala soo xiriir community.relations@kingcounty.gov ama (206) 263-9768.

 

Jawaab Celi