Metro waxay daraasad ku samaynaysaa hagaajinta gaadiidka dadweynaha ee Route 106
Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
King County Metro, oo kaashanaysa Waaxda Gaadiidka ee Seattle Department of Transportation (SDOT), Adeegyada Waddooyinka ee King County Road Services iyo magaalada City of Renton, waxay daraasad ku samaynaysaa hagaajinta gaadiidka dadweynaha ee Route 106 si loo yareeyo wakhtiyada safarka basaska, loo hagaajiyo isku halaynta, loona kordhiyo khibradda guud ee macaamiisha. Route 106 waxay u adeegtaa 5,000 oo rakaab ah maalin kasta oo shaqo, waxayna shaqaysaa 10–15 daqiiqo kasta inta badan maalinta. Waddadani waxay isku xirtaa xaafadaha International District, Mt. Baker, Rainier Valley, Skyway iyo downtown Renton – xaafado badan oo ay dadka deggan si weyn ugu tiirsan yihiin gaadiidka dadweynaha si ay u aadaan shaqo, dugsi, iyo adeegyada lagama maarmaanka ah.

Route 106 waxay u adeegtaa bulshooyin tiro badan oo ka tirsan dadka lagu qeexay Mobility Framework inay yihiin “goobaha baahida aan la daboolin,” kuwaas oo ay ku jiraan aagagga ay ku badan yihiin dadka dakhligoodu hooseeyo ama aan lahayn, bulshooyinka midabka leh, dadka naafada ah, iyo bulshooyin ku kala duwan luuqad ahaan, iyo sidoo kale bulshooyin kale oo taariikh ahaan adeegyada laga gaabiyey.
Daraasadda Route 106 waxay doonaysaa inay aqoonsato maalgashiyada dhici doona:
- Yareyn doona wakhtiyada safarka basaska 10-15% inta lagu jiro saacadaha shaqada ee mashquulka ah
- Horumarin doona adeegga si basasku inay maraan marinnada la isku halayn karo
- Hagaajin doona isku xirka gaadiid kale oo ka jira aagga
- Anfici doona rakaabka hadda isticmaala gaadiidka dadweynaha isla markaana dhiirigelin doona rakaab dheeraad ah
Horumarinta suurtagalka ah: waxa ay yihiin iyo sababta ay muhiim u yihiin
Daraasadda Route 106 waxay ka shaqayn doontaa in la aqoonsado hagaajinta gaadiidka dadweynaha ee siin doonta adeeg baska oo ka dhakhso badan, laguna kalsoonaan karo kumannaan rakaab ah maalin kasta. Hoos waxaa ku xusan tusaalooyin ka mid ah noocyada hagaajinta la tixgelinayo si loo horumariyo adeegga gaadiidka loona daboolo baahida bulshada si degdeg ah u koraysa.
| Nooca Hagaajinta | Waa Maxay | Maxay muhiim utahay |
|---|---|---|
| Mudnaanta Calaamadda Gaadiidka | Waa nidaam tiknoolajiyadeed u oggolaanaya calaamadaha taraafikada in mudnaan lasiiyo basaska, iyaga oo kordhiya waqtiga cagaaran ama yareeya waqtiga cas marka bas uu soo dhow yahay. | Waxay yaraysaa tirada waqtiga basaska ku qaataan nalalka taraafiga, waxayna ka caawisaa basaska inay si joogto ah oo la isku halayn karo u socdaan. |
| Dib u rarista / ka saarista goobta baska istaago | Waxay beddeshaa goobta basku istaago ama ka saartaa meesha basasku istaagaan ee aad isugu dhow. | Waxay ka caawisaa basaska inay si dhakhso leh oo la isku halleyn karo u socdaan iyada oo goobaha istaaga kala fogeeynaya, taas oo yaraysa waqtiga safarka. |
| Joogsiyada Baska ee Laamiga ku dhex yaal / Jasiiradda Rakaabka | Waxay u oggolaanayaan basaska inay ku istaagaan meel loogu talagalay laamiga halkii ay ka leexan lahaayeen si ay u qaadaan ama u dejin lahaayeen rakaabka. | Waxay yareysaa waqtiga ku lumaya ku biirista iyo ka bixista taraafikada, sidoo kalena waxay kordhisaa helitaanka adeegga ee rakaabka iyo dadka baaskiil wadayaasha ah / dadka lugeynaya |
| Boodista Safka | Waxay u oggolaanayaan basaska inay ku biiraan taraafikada iyaga oo ka soo baxaya waddo u gaar ah baska ama haadka midig uleexda oo keliya. | Waxay yaraysaa daahitaanka safarka iyadoo u ogolaaanaysa basaska inay ka hor maraan taraafikada kale ee ku hareeraysan. |
| Business Access and Transit (BAT) iyo Gaadiidka Dadweynaha / Waddooyinka Basaska | Waddooyin laamiga ah oo loo qoondeeyey gaar ahaan (ama inta badan) in basaska oo keliya ay isticmaalaan. | Waxay hagaajisaa wakhtiyada safarka maadaama basasku ka fogaadaan dib u dhaca taraafikada guud ee ka jira waddooyinka kale. |
Dayrtaan – laga bilaabo Sebteembar 8 ilaa Oktoobar 3 – Metro waxay la shaqayn doontaa rakaabka, ganacsiyada, iyo xubnaha bulshada si ay u uruuriso jawaab-celinta ka caawin doonta in lagu wargeliyo naqshaddaynta fikradda la soo jeediyey ee horumarinta Route 106
Metro waxay rabtaa inay ogaato:
- Sida aad hadda u isticmaalayso Route 106
- Waa maxay walaaca aad ka qabto Route 106
- Waa maxay isbeddellada aad jeclaan lahayd inaad ku aragto Route 106
Inta lagu jiro muddadan is-dhexgalka, Metro waxay la shaqayn doontaa codadka muhiimka ah ee bulshada iyada oo loo marayo ka-qaybgal bulshada ee boosteejooyinka basaska si ay ula falgalaan rakaabka, wacyigelinta ganacsiyada, iyowax ka qabashada ururrada bulshada .
Metro waxaa ka go’an inay bulshadaka qayb galiyaan daraasaddan si loo hubiyo in baahidooda iyo aragtidoodu gacan ka geystaan go’aannada naqshadeynta mustaqbalka.
Waxaan rabnaa inaan kaa maqalno!
Halkan waxaa ku yaal dhowr hab oo aad nagula wadaagi karto fikradahaaga:
Ka qaybgal su’aalaha sahankeenna ka hor 3-da Oktoobar, 2025.
Nagula soo biir mid ka mid ah fadhiyaasha aan soo qaban doonno, halkaas oo aad kula falgeli karto kooxdeena oo aad su’aalo weydiin karto.
- Renton Library – Resource Fair: Bandhiga maalinta Khamiista, Sibteembar 18, 2025, 1:00–3:00 galabnimo.
- Skyway Library – Drop-in Tech Help: Isniin, Sibteembar 22, 2025, 12:30–3:00 galabnimo
Gaadhista 10% naqshadeynta
Mashruuca wuxuu hadda ku jiraa marxaladda qorshaynta. Inta lagu jiro marxaladdan, kooxda daraasadda waxay la falgeli doonaan ururrada maxalliga ah, xubnaha bulshada iyo kooxaha muhiimka ah ee kale si ay nooga caawiyaan qiimeynta mudnaanta hagaajinta. Waxaan sii wadi doonaa la falgalka bulshada marka aan u gudubno naqshadeynta ugu dambeysa iyo dhismaha.
Nala soo xidhiidh
Wixii su’aalo ah ama jawaab celin ah oo ku saabsan mashruuca, fadlan nagala soo xiriir Community.relations@kingcounty.gov ama 206-263-9768
