Metro waxay soo gabagabeysaa daraasada ku saabsan horumariinada gaadiidka ee suurtagalka ah ee Route 106
Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda:
King County Metro (Metro), ayadoo kaashanaysa Seattle Department of Transportation (SDOT, Waaxda Gaadiidka ee Seattle), King County Road Services (Adeegyada Waddooyinka ee King County), iyo Magaallada Renton waxay daraasad ku samaynaysaa qaabka loo hormarin karo waqtiyada safarka iyo iskuhalaynta adeegga baska Route 106.
Route 106 waxay maalin kasta oo shaqo u adeegtaa 5,000 rakaab ah, waxayna shaqeysaa 10–15 daqiiqo kasta inta ugu badan maalinkii. Xaadir ahaantaan, basaska Route 106 waxay dib u dhacaan 32% wakhtiga, taas oo Route kan ka dhigaysa mid ku habboon maalgashi lagu xallinayo dib-u-dhacyada iyo wakhtiyada safarka ee aan joogtada ahayn.

Horraantii 2025, mashruucu wuxuu aqoonsaday horumariino suurtagal ah oo lagu samayn karo gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo kumannaan rakaab ah oo isticmaala Route 106 siin kara adeeg bas oo dhakhsi badan oo la isku hallayn karo. Si loo fahmo sida rakaabku u isticmaalaan Route 106, cabashooyinkooda, iyo isbeddellada ay doorbidayaan, Metro waxay bulshada la wadaagtay horumariinola gaadiid oo lasoo jeediyey si ay ra’yi uga darsadaan dayrtii 2025. Metro waxay ra’yi celin ku ururisay iyadoo adeegsanaysa sahan onleen oo luqado badan ku qoran, Qoraal blog ah oo luqado badan ku qoran oo lagu daabacay Metro Matters, iyo wacyigelin qof ahaan ah oo lala sameeyey ganacsiyada iyo rakaabka. Intii u dhaxaysay Sebtembar 9 iyo Oktoobar 3, 2025, kooxdu waxay la xiriirtay 345 qof iyadoo loo marayo dhammaan hawlaha qof ahaanta loo xaadiro iyo kuwa onleenka ah ee ka dhacay Renton, Skyway, iyo Rainier Valley.

Waad ku mahadsan tihiin dhammaan intii waqti u heshay inay kooxdeena kala qaybqaataan sidii loo horumarin lahaa adeegga Route 106 ee ka jira xaafadahooda.
Mawduucyada muhiimka ah ee ka imaanaya bulshada
Ra’yi-celintii lasoo ururiyey waxay muujisay dhowr mawduucyo oo si joogto ah uga soo baxay dhammaan dhegeystayaasha. Guud ahaan, waxaan maqalnay in la hagaajiyo isku-hallaynta adeegga, soo noqnoqoshada basaska, waqtiga safarka, badbaadada, iyo xaaladda boosteejooyinka. Rakaabka iyo ganacsiyadu waxay si weyn u taageereen isbeddellada ka dhigaya Route kan mid dhakhsi badan, ammaan badan, oo la isku hallayn karo, iyadoo la hubinayo helitaan loo wada siman yahay iyo joogsiyo raaxo leh oo si wanaagsan loo dayactiray.
Hoos waxaa ku qoran dulmar ku saabsan mawduucyada muhiimka ah ee ka soo baxay natiijooyinkeena. Si aad faahfaahin dheeraad ah uga barato hababka wacyigelinta, ra’yi-celinta bulshada, iyo natiijooyinka muhiimka ah ee hawl kasta oo wacyigelin ah, waxaad ka heli kartaa community engagement report – Ingriis keliya oo dhammaystiran.
- Route 106 waxay Muhiim u yihiin Nolosha Maalinlaha ah: Route 106 waxay dadka deegaanka, shaqaalaha, ardayda, iyo ganacsiyada ku xertaa meelaha muhiimka ah iyo saldhigyada tareenka fudud. Ganacsiyadu waxay soo sheegeen in macaamiil iyo shaqaale badan ay ku tiirsan yihiin Route 106, taasoo muujinaysa muhiimadda dhaqaale ee route-kan uu leeyahay. In ka badan kala bar ganacsiyada ayaa aaminsan in horumariinada lagu sameeyo Route 106 ay kordhin karto isku socodka macaamiisha Dadkii ka qaybqaatay sahanka waxay xaqiijiyeen muhiimadda uu leeyahay Route 106. Ku dhowaad saddex-meelood laba (63.8%) waxay doonayaan adeeg soo noqnoqda oo dheeraad ah, halka in ka badan kala bar (54.3%) ay doonayaan imaansho la isku hallayn karo. Ku dhowaad kala bar (46.7%) waxay doonayaan in waqtiga safarku uu xawaare ahaado marka ay baska raacaan.
- Isku-hallaynta iyo Soo-noqnoqoshada Adeegga ayaa ah Cabashooyinka Ugu Waaweyn: Ka-qaybgalayaashu guud ahaan waxay qiimeeyaan adeegga joogtada ah ee Route 106, balse waxay xuseen in imaanshaha basasku aanu mar walba joogto ahayn, gaar ahaan marka lala barbardhigo route-yada kale. Rakaabyadu waxay sheegeen in dib-u-dhacyada iyo imaanshaha basaska ee aan joogtada ahayn ay adkeeyaan qorshaynta safarka, gaar ahaan saacadaha mashquulka badan ama fiidkii. Horumarinta isku-hallaynta jadwalka iyo ilaalinta kala-fogaansho isku mid ah oo u dhexeeya basasku waxay kor u qaadaysaa kalsoonida iyo raaxada rakaabka.
- Xoojinta Isku-xirka iyo Isgaarsiinta: Intii lagu jiray munaasabadihii kala duwanaa ee ka-qaybgalka bulshada, ka-qaybgalayaashu waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-xirnaan la isku hallayn karo oo u dhexeysa Renton, Skyway, Rainier Valley, iyo bartamaha Seattle. Qaar ka mid ah rakaabka si buuxda uma aysan ogeyn sida Route 106 iskugu xiro meelaha waaweyn ee loo safro. Qaar kalena waxay muujiyeen rabitaan ah inay helaan adeeg toos ah oo taga bartamaha Seattle ama meelaha kale ee muhiimka ah.
- Badqabku waa Cabasho weyn ee ka jira Gudaha iyo Dibada Baska: Badqabku waxay noqotay mid ka mid ah walaacyada sida joogtada ah loo soo sheegay, gaar ahaan agagaarka maktabadaha iyo isgoysyada ay taraafikadu ku badan tahay. Rakaabku iyo ganacsiyadu waxay hoos ka xuseen isgoysyada khatarta ah, iftiin aan ku filnayn leh, iyo sugitaan dheer oo nalalka taraafikada ah. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen hab-dhaqanka dadka ee joogsiyada iyo gudaha basaska, iyadoo dad badan ay codsadeen in la helo ilaalo amni iyo in la xoojiyo hubinta bixinta lacagta safarka Hagaajinta xaaladahan kaliya ma kordhin lahayn badqabka dadka lugeynaya, balse waxay sidoo kale dhiirrigelin lahayd in dad badan si kalsooni leh u isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan saacadaha aroorta hore iyo fiidkii.
- Basaska iyo Boosteejooyinka Waxay U Baahan Yihiin Hagaajino: Joogteynta boosteejooyin iyo basas nadiif ah oo soo-dhaweyn leh ayaa sidoo kale noqotay arrin muhiim u ah waayo-aragnimada rakaabka. Dadku waxay sidoo kale doonayaan basas cusub oo waaweyn (isku-xiran ama laba qaybood ah) si loo yareeyo ciriiriga. Ka-qaybgalayaashu waxay nadaafadda iyo raaxada la xiriiriyeen sida badbaadada loo arko, iyagoo tilmaamay in joogsiyada si wanaagsan loo dayactiray iyo basaska nadiifka ahi ay dhiirrigeliyaan isticmaalka joogtada ah ee gaadiidka dadweynaha. Shaqeynta joogsiyada basaskuna waxay sidoo kale u baahan tahay horumarin weyn. Bulshadu waxay doonaysaa hoyag badan, kuraas, iyo macluumaad waqtiga-dhabta ah. Ganacsiyaduna waxay aqoonsan yihiin qiimaha adeegga basaska ee u dhow, balse waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leeyihiin goobaha joogsiyada oo ammaan ah, nadiif ah, oo si fudud loo heli karo.
- Sinnaanta, Helitaan Loo Dhan Yahay, iyo Wacyigelin Dhaqan ahaan Ku Habboon: Rakaab badan oo isticmaala Route 106 waa dad dakhligoodu hooseeyo, waayeel, naafo ah, muhaajiriin, ama hoyla’aan ah, waxaana route-kan uu u yahay marin nololeed ay ugu safraan baahiyaha aasaasiga ah. Ka-qaybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in isbeddelladu aysan yareyn helitaanka adeegga ama si aan sinnayn u saamayn dadka nugul. Dadkii ka qaybqaatay sahanka waxay walaac ka muujiyeen in joogsiyada basaska laga yaabo in laga saaro ama la sameeyo isbeddello kale oo safarka ka dhigi kara mid aan si fudud loo heli karin. Faallo bixiyeyaasha waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in wacyigelin macno leh oo toos ah laga sameeyo bulshooyin gaar ah, si loo hubiyo in horumariinadu ka tarjumayso baahiyaha dhammaan isticmaalayaasha.
Qorshaynta natiijooyinka kasoo baxa daraasadda
Daraasaddu waxay raacday hannaan habaysan oo laba-marxaladood ah oo lagu qiimeeyey waxqabadka gaadiidka dadweynaha, badbaadada, helitaanka adeegga, sinnaanta, saamaynada taraafikada iyo hareeraha waddada, iyo suurtagalnimada hirgelinta. Wadashaqaynta lala yeeshay SDOT, King County Road Services, iyo City of Renton waxay gacan ka geysatay aqoonsiga, isku-dubaridka, iyo qiimaynta fikradaha horumariinada. Ka-qaybgalka bulshada ayaa gacan ka geystay qaabaynta beddelka ugu dambeeya ee la doorbiday.
Beddelka ugu dambeeya ee la doorbiday wuxuu ka kooban yahay toddoba nooc oo horumarin ah: isku-darka joogsiyada basaska, rarista joogsiyada iyo isgoysyada dadka lugaynaya, ballaarinta aagga joogsiga baska, hagaajinta calaamadaha, dib-u-habayn ama ballaarin waddo, habaynta wejiyada nalalka taraafikada, iyo mudnaanta calaamadaha taraafikada ee gaadiidka.
- Isku Keenista Joogsiyada Baska:Labaatan joogsi ayaa la isku darayaa, oo ay ku jiraan lammaane joogsiyo ah oo ku dhow saldhigyada light rail, si loo yareeyo waqtiga uu basku joogsado.
- Rarista Joogsiyada Basaska iyo Isgoysyada Dadka Lugaynaya:Lix joogsi ayaa la rarayaa, badankoodna waxaa loo wareejinayaa dhinaca ka dambeeya isgoyska, waxaana la samaynayaa laba hagaajino oo isgoysyada dadka lugaynaya ah si loo kordhiyo isku-hallaynta adeegga iyo badqabka.
- Janbiga Baska laga Fuulo:Laba iyo toban joogsi ayaa heli doona aagag basaska loogu talagalay oo waddada bannaankeeda loo soo saaray, si meesha looga saaro dib-u-dhacyada ka dhasha marka basku dib ugu biirayo taraafikada.
- Horumarinada Gaadiidka:Isbeddel lagu sameeyo calaamadaha taraafikada ee MLK Jr Way S iyo Rainier Ave S ayaa u oggolaanaya basaska u socda woqooyi inay si toos ah ugu leexdaan haad basaska oo keliya loogu talagalay, taasoo ka fogaanaysa inay ku biiraan taraafikada.
- Dib-u-habaynta ama Ballaarinta Waddada Weyn: Meelo dhowr ah ayaa lagu samayn doonaa wax-ka-beddello waddo si loo hagaajiyo isku socodka gaadiidka iyo badqabka.
- Mudnaanta Calaamadaha Taraafikada ee Gaadiidka iyo Habaynta Wejiyada Calaamadaha:Mudnaanta gaadiidka ee 12 isgoys ayaa kordhin doonta ama soo hormarin doonta nalalka cagaaran ee basaska Route 106 si loo yareeyo dib-u-dhacyada ka dhasha nalalka cas.
Iyadoo la adeegsanayo talooyinka bulshada, falanqaynta gaadiidka, iyo Equity Priority Areas (Aagagga Mudnaanta lagu siiyo Sinnaanta), kooxda mashruucu waxay diyaarisay 56 fikradood oo horumarin ah oo loo gudbinayo marxaladda naqshadaynta, lagu qiyaasay in la kaydiyo 3–5 daqiiqo safar kasta inta lagu jiro saacadaha ugu sarreeya (horumar 6–10% ah). Eeg liiska dhammaystiran ee horumariinada lagu taliyey ee Route 106 – ngriis keliya.
Talaabooyinka xiga
Talooyinka ka soo baxay daraasadda qorshaynta ayaa saldhig u noqon doona codsi miisaaniyadeed oo mustaqbalka ah oo loogu talagalay naqshadaynta iyo hirgelinta, kuwaas oo hadda aan la maalgelin. Metro waxay sii wadi doontaa la socodka fursadaha maalgelinta, waxayna samayn doontaa ka-qaybgal bulsho oo dheeraad ah marka wajiga naqshadayntu bilaabato.
