U heelanaanta Metro ee Degmada King Macaamiishayada soo galootiga ah

Qoraalkan waxaa sidoo kale lagu heli karaa luuqadaha soo socda: English (Ingiriis) አማርኛ ( Amxaari) العربية ( Carabi) 简体中文 (Shiinees la fududeeyay) 繁體中文 (Shiinees dhaqameed) Русский (Russian) Español ( Isbaanish) Українська (Ukrainian) Tiếng Việt (Vietnamese)

Halkan Metro Degmada King, waxaan marmar helnaa su’aalaha la xiriira maaraynta macluumaadka shakhsi ahaaneed iyo haddii aan kala shaqayno hay’ada Socdaalka iyo Canshuuraha Badeecadda Mareykanka (U.S. Immigration and Customs Enforcement, ICE) iyo Maamulka Amniga Gaadiidka (Transportation Security Administration, TSA) dhanka arimaha socdaalka.

Metro, ORCA, Sound Transit iyo wakaaladaha kale ee gaadiidka ORCA lama wadaagaan macluumaadka gaarka ah ee macaamiisha ICE ama TSA. Tan waxaa kamid ah—laakin kuma koobna—macluumaadka la bixiyo marka la helayo ama la cusboonaysiinayo kaarka ORCA, kaararka gaadiidka kale ama qiimaha raacitaanka gaadiidka; iyo macluumaadka la siiyo kormeeraha safarka, xubin ka tirsan adeegga macaamiisha gaadiidka dadweynaha, sarkaalka booliska gaadiidka, sarkaalka nabadsugida, ama qandaraasle kale, shaqaale ama websaytka gaadiidka dadweynaha.

Intaa waxaa dheer, haddii aan si kale loogu baahnayn sababo la xiriira sharciga gobolka, sharciga dawlada dhexe ama amar maxkamadeed, Xeerka Degmada King ee 2.15.010 wuxuu dhigayaa:

  • “Qofna looma diidi karo adeegyada degmada sababo la xiriira muwaadinimadiisa ama xaaladiisa soogalootinimada.”
  • “Shaqaalaha, wakiilada, ama wakaaladaha Degmada King ma waydiin karaan oo kama codsan karaan xubin ka mid ah bulshada macluumaadka ku saabsan muwaadinimada, xaaladda soogalootinimada, ama waddanka uu ka soo jeedo qofka.”
  • “Dhamaan wakiilada Degmada King waa ka mamnuuc inay dadka aflagaadeeyaan hadal ahaan iyagoo ugu hanjabaya inay wacaan ICE ama ay qaadaan talaabo kale oo soogalootinimada la xiriirta.”
  • “Wakiilada Degmada King ma haysan karaan ama ma wadaagi karaan macluumaadka shakhsiyeed haddii aan loogu baahnayn bixinta adeegyada. Si kastaba ha ahaatee, waa loo ogol yahay inay u diraan macluumaadka ku saabsan muwaadinimada ama xaaladda soogalootinimada hay’adaha kale si loo fududeeyo bixinta adeegyada.”
  • “Wakiilada Degmada King kuma bixin karaan wakhti, lacag, ama kheyraad kale si ay u fududeeyaan fulinta madaniga ah ee sharciga socdaalka dawlada dhexe. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha degmada lagama mamnuuco inay u diraan ama ka helaan maamulka socdaalka dawlada dhexe macluumaadka muwaadinimada ama xaalada soogalootinimada qofka.”

Sida kor ku xusan, saraakiisha booliska ee gaadiidka dadweynaha, saraakiisha amniga gaadiidka, iyo shaqaalaha kale ee gaadiidka iyo qandaraaslayaasha ma waydiin doonaan ama ma codsan doonaan macluumaadka la xidhiidha jinsiyadda, xaalada soogalootinimada ama wadanka uu ka soo jeedo qofka. Si rakaabka looga caawiyo in ay si sahal ah u aqoonsadaan saraakiisha booliska gaadiidka iyo saraakiisha amniga gaadiidka, fadlan eeg “Hagaha Bulshada ee fulinta sharciga Metro ee Degmada King iyo Sound Transit” ee Xafiiska Kormeerka Fulinta Sharciga (oo ku qoran Ingiriisiga).

Fadlan ogow laakiin in saraakiisha ICE iyo TSA ay sidoo kale ku safri karaan gadiidka dadweynaha haddii ay buuxiyaan filashadayada rakaabnimo. Mashruuca Xuquuqda Soo galootiga Waqooyi Galbeed wuxuu bixiyaa ilaha “Ogow Xuquuqdaada” oo ku qoran luuqado badan kuna caawin kara. Xuquuqyadani waxay khuseyaan qof kasta iyada oo aan loo eegayn muwaadinimada qofka.